Dowladda Puntland ayaa maanta ka hadashay Ayaxa guuraya oo maanta markii ugu horeysay lagu arkay magaalada Garowe iyo deegaano kale oo katirsan gobolka Sool. Wasiirka beeraha iyo waraabka Puntland Cabdi Ismaaciil Boos oo maanta saxaafada jiraa’id u qabtay ayaa sheegay inuu Ayaxu maalmihii lasoo dhaafay dhibaato xoogan ku hayay dhul beereed kuyaala deegaano hoos yimaada gobolka Sool. Wuxuuna sheegay saakay inay booqdeen waqooyiga magaalada Garowe halkaas oo ay kusoo arkeen cayayaanka oo isku fidiyay wadada laamiga iyo guud ahaan dhul daaqsimeedka ku dhow. Wuxuu sheegay wasiirku inaanay hadda jirin cabsi xoogan oo looga baqayo inuu Ayaxu dhibaato ugeysankaro daaqa iyo beeraha Puntland. Hase yeeshee wuxuu cadeeyay mustaqbalka dhow haddii uu ku dhalo ugxan deegaanada Puntland inay sababi karto waxyeelo xoogan oo aysan dowladda Puntland awood uyeelandoonin inay wax ka qabato. Mudane Boos ayaa caalamka ugu baaqay inay Puntland ka taageeraan sidii cayayaankaan uusan Puntland ugu tarmin si looga hortago qatartiisa dambe. Wuxuuna intaa kusii daray inuu Ayaxu usocdo dhinaca xeebaha bari isagasoo kasoo gudbay dhinaca badda cas oo ku maqnaa in muddo ah. Dhinaca kale warar hadda inasoo gaaraya ayaa sheegaya in Ayax raxan raxan uu maanta ku dagay beeraha kuyaala deegaanka Jibigle oo ah halka ugu badan oo ay kuyaalaan beeraha gobolka Nugaal. Dad lasoo xiriiray idaacaddaha maxaliga ah ee gudaha Garowe ayaa u sheegay inay dareemayaan cabsi xoogan oo ay ka qabaan cayayaanku inay baab’iyaan beerahoodii. Waxay sheegeen inaanay lahayn awood xoogan oo ay beerahooda uga celiyaan cayayaaanka kusoo dagay.