Hay’adaha amniga dalka Norwey ayaa sheegay inay xireen saddex nin oo lagu eedeeyay inay xiriir laleeyihiin ururweynaha Alqaacida sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wakaalada wararka ee Associated Press. Saraakiil u hadlay hay’adaha amniga ayaa sheegay talaadada maanta ah saddexda nin inay yihiin muwaadiniin Norwegian ah oo da’dooda lagu sheegay 29, 27 and 24. Ninka ugu weyn raggaan wuxuu ku dhashay Soomaaliya halka labada kalena ay ku dhasheen wadankii Yugoslavia la oran jiray. Labo kamid ah ayaa laamaha amnigu uga shakiyeen inay dagaal kala qeyb galeen kooxda islaamiyiinta jihaadoonta ah ee ka dagaalama dalalka Iraq iyo Siiriya. Dowladda Norwey ayaa sheegtay sanadkaan horaantiisa in ku dhow 40-50 ruux inay ka tageen dalkeeda iyagoo ku biiray islaamiyiinta mayalka adag ee ka dagaalama Siiriya.