Wafti uu hogaaminayo wasiiru dowlaha amniga dowladda Puntland Maxamuu Beeldaaje Faarax ayaa maanta umbo baxay dalka Jibuti Wasiir udowlaha amniga Puntland oo ka dhoofay magaalada Bosaso ayaa ka qeyb galidoona munaasabad tobabar loogusoo xiridoono 45 kamid ah ciidanka gaarka ah ee amaanka dekeda magaalada Bososo oo muddo 45 cisho ah uu tobabar uga socday dalka Jibuti. Midowga Yurub ayaa maalgalinaya tobabarkaan la siiyay ciidamada Puntland. Iyadoo si gaar ah loo baray ka hortagidda burcadbadeeda, la dagaalanka tahriibka iyo guud ahaan dambiyada ka dhaca badda. Waa dufcadii ugu horeysay oo tobabarka qaadatay sida uu sheegay wasiir udowlaha. Wuxuuna sheegay guud ahaan in tobabar la siindoono 200 askari oo kamid ah ciidamada Puntland. Tilaabadan lagu tobabarayo ciidamada Puntland ayaa waxay qeyb ka tahay tobabarada Midowga Yurub uu u balanqaaday inuu siinayo ciidamada qalabka sida ee Puntland.