TACSI:— Jaaliyadda Puntland ee Denmark oo Tacsi u direyso AUN Col. Jaamac Saciid Warsame( Afgaduud) Jaaliyada Puntland ee Denmark ayaa ka tacsiyeynaysa geeridii ku timid AUN Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland ee Aagga Galgala Col Jaamac Saciid Warsame( Afgaduud) oo weerar gaadmo ah lagu dilay taarikhdu markay ahayd 17/03/2013. Jaaliyada iyagoo ka tiiraanyeysan waxay tacsi gaara u dirayaan Ehelkii iyo Qaraabadii Marxuumka iyo Guud ahaan Shacabka Puntland waxayna Allaha awoodda leh uga baryaysaa inuu marxuunka siiyo danbi dhaaf iyo naxariista akhiro, eheladii, qaraabadii, ubadkii uu ka tagay iyo dhamaanba shacabka Puntland samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin..Aamiin..