Daawo Sawirada: ( Ishii bugtaay ku bikaacso) Boqorka Beelaha Daarood oo qado sharaf u sameeyay Madaxweynaha Puntland,Isimada iyo marti sharafta ka qayb gashay Caleemo saarkiisa Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa maanta qado sharaf u sameeyay Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’,Isimada iyo marti sharaftii ka qayb gashay Caleemo saarkiisa,oo shalay ka dhacday magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar. Qado sharafta ayaa ka dhacday Haro Geenyo oo ku taala Duleedka magaalada Qardho,halkaasi oo ay ka muuqanaysay Bilic soo jiitay indhaha Madaxda iyo dadweynaha goob jooga ka ahaa Qado sharafta. Boqor Burhaan Boqor Muuse oo la hadlay Saxaafada ayaa mahdcelin u jeediyay Madaxda,Isimada iyo marti sharfta ka qayb gashay qado sharafta iyo Caleemo saarka