Soomaali run ahaantii waxaad mooddaa wax kale daaye in libinta kan kale ee walaalkood ah aysan u ogolayn; Dad badan baa markaan waydiiyo maxaa ugu wacan in Somaaliya dawlad heli waydo muddo kor u dhaafaysa 20 sano, waxay iigu jawaabaan, Qabyaalad, faragalin shisheeye, dhaqaalo daro. Wan ku raacay qayb ahaan qodobadaasi inay kamid noqon karaan qodobada Somali ka dagi wayday laakiin mid kamid ah qodobadasi safka ugu horeeya iiguma jirin. Marbaan aaminsanaa in qabaa’ilku u baahan yihiin dib u heshiisiin, laakiin waa la tijaabiyay in qabiilladu is diiddanayn, ee ay u baahan yihiin caddaalad cid ku dhaqda oo kii gar daran ka qabta dadka. Inaan xaq aan leenahay ka tagno waxaan dhaqan ahaan u aragnaa, liidnimo, laangaabnimo, hoosyan, iyo xumaan oo dhan. Laakiin waa intaasoo dhacn cagsigeeda, haddaad maslaxad xaq aad leedahay uga tagtid waa xaqiiq inaad baddalkeeda helaysid am aka badan…. Ma sugayo dhawaanahan inaan aragno dad xaqoodi ka tagay maxaa yeelay waxa la isku doortaa ama nabadoon la isaga dhigaa waa yaa xaqeennii iyo xaq kalaba noo soo dhicinaya oo nin nin dhalay ah. Waxa la sheegaa wixii lagu cel celiyo bulshaduna aysan ceeb u arag ay hadhow isku baddalan dhaqan. Dhaqanka ah in Soomaali wax isku diiddo oo markay hayb hayb iyo beel beel hoose iskula joogaanna ayaga ay yihiin dadka ugu fiican , ugu aqoon badan, uguna nabadda jecel, dadka kalana aysan waxba ahayn, waa dhaqan iska noqday mid guud; waad igu diidi kartaa haddii aad wax ka qabtid. Isku tanaasulka iyo wax isku ogolaanshaha waxaa tijaabiyay waddamada reer galbeedka oo ah waddamada ugu horumarsan caalamka. Dagaallada iyo dhibaatada ay soo mareen ayaa bartay in isku tanaasulka uu yahay xalka kaliya ee horumar waara lagu gaari karo. Gabo gabada: Hoo baa Hoo dhasha; u ogolow walaalkaa ugu yaraan inuu jiro uuna waxtar iyo qiimoba leeyahay, si adiguna aad taas u heshid.