Magalada Karachi ee xarunta gobolka Sindhi ee Pakistan waxa xalay(10.02.13) ka dhacday xaflad si heer sare ah loo soo qaabeeyay oo ahayd doorashada jaaliyadda Puntland ee Karachi. Xafladdan ayaa ahayd mid xilka uu ku warejinayay guddoomiyihi hore ee jaaliyadda C/risaaq Nuur Yuusuf(Careys) oo xilkasi dhowrkii sano ee lasoo dhaafay hayay. Doorashadan waxaa goob joog u ahaa inta badan xubnaha jaaliyadda ee magaalada Karachi kunool. Waxa doorashadan oo ahayd tii labaad ee caynkeeda oo kale ah oo la qabto jagada gudoomiyaha jaaliyadda Puntland ee Karachi u loollamayay laba musharax oo kala ahaa 1 Liibaan Maxamed Cali (Taaci) iyo 2 Maxamed C/laahi , Kooshin yare. Int aysan doorashadu bilaabin waxaa taariikhda jaaliyadda iyo waxyaabihii ay soo qabatay ka sheekeeyay C/risaaq Nuur Yuusuf (Careys) oo ahaa guddoomiyaha xilka wareejinayay . Waxa uu xusay in jaaliyaddiisu intii ay shaqanaysay wax ka qabatay , arimaha waxbarashada, fiisayaasha loo xereyo ardayda, xalinta mashaakilaadkooda, ka qayb qaadashada munaasbadaha isku imaatinnada, tacsiyada iyo xafladahaba. Wuxuu xusay inay kaalmeeyeen dad reer Puntland oo dhibaatooyin xagga safarka ka qabsadeen, qaarna ay ka xalliyeen mashaakilaad dhinaca socdaalka ah. Careys wuxu xusay in wax qabadka jaaliyadda uusan ku ekayn jaaliyadda Puntland , hase ahaatee Soomali wayn xataa laga arko wax qabadka jaaliyadda, isla markaana wada shaqayn ay dhex marto dadka Soomaaliyeed ee Karachi. Labada Musharax ayaa sidoo kale jeediyay hadallo kooban oo ay ku muujinayaan waxqabadka jaaliyadda, mid walbana uu ka codsanayay dadwaynaha inay codkooda siiyaan. Guddiga doorashada ayaa sharxay qaabka doorashada u dhacayso, iyo qaabka loo codaynayo oo ahaa sanduuq codka lagu ridayo, waxana durba la gudo galay doorashadii iyo tirinteediiba.