Waxaan bogaadin usoo jeedinayaa dhamaan dadkii reer Puntland ee isku taxalujiyey midnaanta iyo wanaaga umadda iyo dalka, qofkasta oo muwaadin ah isaga oo meeshiisa joogaa ayaa dalka xil ka saaranyahay, waxaan aaminsanahay waxkasta inaan ka raacno sharaf, midnaan, walaalnimo, wadaniyad, wadashaqayn badan iyo horumar. Haddii ay taasi dhacdo waxaan xaqiiqsan doonnaa in caruurteenu ay noqon doonaan ubad walidiin waaweyn oo reer Puntland ah. Marka aan dib u milicsano sooyaalka taariikho dadyow aduunka ku nool, waxaan ka baran karnaa sida ay ku xaliyeen dhibaatooyin soo foodsaaray oo aad u ad adkaa kuwaas oo la soo darsay nidaamkii noloshoodu ahayd, maamul ahaan, dhaqaale ahaan, dad ahaan iyo xitaa xag iskaashi ama nabad galyo. Dadyowga maanta lagu kuunyo inay wax isbideen dhaqaale ahaan ama awood ahaan sida reer Galbeedka, ma jirin mabaa’dii (principles) xakamaysa dadka si loo ilaaliyo danaha guud ee bulshadaasi lahayd. Dadaalo loo galay darteed waxaa dhacday in sharuuc laga soo saaray habka wada dhaqanka bulshada iyo in la dajiyo hanaan maamul oo waxkasta lagu jaangooyo si dadka iyo deegaankoodaba loo xukumo. Haddii aan soo qaato Puntland, habka uu dadku u wada noolyahay dalkuna ku dhaqan yahay waxaad moodaa in laga soo guuriyey dhaqan-maamuleedkii hore ee Soomaalida, waxaana meesha ka maqan aragtiyo aad maanta loogu baahanyahay in la dhaqan galiyo oo dowladanimoda la xiriira. Dowladnimodu maahan wax si fudud ku imaan kara ama magac ahaan iskaga jiri kara, haddii qoloba qolada ka danbaysa aysan usii rushayn wadadii ay mari lahaayeen si loo gaaro ujeedooyin umadda iyo dalkaba macno u samaynaya. Ciladdaha aan maanta dhibsanayo ee Puntland ka jira waxaan ugu abtirin karaa labo arrimood oo in la cadeeyo u bahaan isla markaasna ay lama huraan tahay in xal loo helo.