Se dad aad ugu dhuun daloola arimaha siyaasada Soomaaliya “Somali politics after civil war”, ayaa aaminsan dadka ka soo horjeeda Federalismka “Anti-federalism” iyo fikirkooda ah in dhamaanka Federlaka uu wax u dhimaayo ama uu meel uga dhacayo qarinimda ay la mid tahay arimihii ay dhaqdhaqaaqii maxaakiimiinta ku doodi jireen waqtigii dowladii Abdullahi Yusuf “AUN”, iyagoo dadka ku kicin jiray “wadanki waxaa qaatay Ethiopian”. Taas oo dhacday in markii Sheikh Sharif loo doortay in uu noqdo madaxwaynihii Soomaaliya uu ka dagay Adis Ababa lix saac ka dib. Taas keentay in isaga xulafadiisi iskaga hor imaadaan arintaas oo ka mid ahaa Sheikh Daahir iyo xulafadii Asmara. Sidoo kale, marka aad la hadlay “Anti-Federalist” dadka sida aadka uga soo horjeeda nadhaamka Federaalka, ayaa waxay iyagana ka doodayaan in nadhaamka Federalka ah uu kala qaybinayo dadka walaalaha ah ee Soomaaliyeed, isla markaana qarinimada Soomaaliya uu wiiqayso madaam dadka ay u kala qaybsanaan doonaan hab qabiilaysi, taas oo meesha ka bixinaysa isku duubnaantii. Warar kale oo hoose ayaan sheegaya in dowladaha deriska, UN ta iyo dowladaha daneeya arimaha Soomaliya ee darsay dhaqanka, dhaqaale iyo natiijadii dagaalkii sokeeye, waxay u arkaan in nadhaamka Federaaliga uu yahay midka kali ah ee dadka inta badan ay danaynayaan sida Puntland, Jubbaland iyo Somaliland oo ah maamulo hirgalay ah. Maamuladaan qaarkood oo muujiyeyna in aysan caqabad ku ahayn Qarinimada Soomaaliya marka laga reebo Somaliland oo iyadu rabta in ay ka go’do Soomaaliya inteeda kale oo laga yaabo in ay ku raadinayso arintaas qayb lixaad oo wayn in ka hesho nadhaamkasta oo lagu heshiiyo. Marka inta aan la isku mashquulin kuwa danaynaya nadhaamka Federaalka iyo kuwa ka soo horjeedaba, maxaa la gudboon xukuumada hada jirta ee hada u gogol xaaranaysa doorashada la wado in ay Soomaliya ay ka dhacdo 2016ka? Dhamaantayn, oo aaniga ku jiro, su’aashaa jawaabtayda waxaan ogaan doonaa markii uu si toos ah uu Ra’isal Wasaaraha cusub uu ula wareego, wasiiradaana uu magacaabo – InshaaALLAH.