Sida uu qeexaayo tastuurka loo dejiyey dalka soomaaliya, raysul wasaaraha ayaa ah madaxa dowlada soomaaliyeed. Sidaad darteed raysul wasaaraha ayaa masuul ka ah siyaasada guud iyo go,aan kasta oo wasaaradaha dowladu qaataan. Haddii guul la gaaro iyo haddii kaleba waxaa masuuliyada qaadaaya wasiirka kowaad ama raysul wasaaraha. Wasiirka madaxda ka wasaarad, waa fuliyaha siyaasada dowlada qaybta kusoo aaday wasaaradiisa iyadoo la egaayo howsha loo xilsaaray. Wasiirka wasaarada hogaamiyana waxaa madax u ah oo uu amarada iyo hogaamintaba ka qaataa wasiirka kowaad. Sidaas darteed waxaa muhiim ah in wasiirka kowaad uu helo fursad buuxda ee uu isagu kusoo dooran karo kooxda wasiirada ah ee hogaaminaaya wasaaradaha kala duwan. Waa in ay noqdaan koox uu raysul wasaaruhu ku sameeyey baaritaan dheer oo dhinacyo badan taabanaaya. Waa in laga eegay dhinaca tacliinta, khibrada,howl-karnimada, diinta iyo akhlaaqda, wadashaqaynta iyo waxyaalo kale oo badan. Balse qodob kale oo muhiimad gaar ah lihi waxaa weeyaan daacadnimada shakhsiga wasiirka laga dhigaayo. Daacadnimadu meelo badan ayey gashaa basle waxaan halkaan ula jeedaa inuu yahay ugu horeyn mid daacad u ah dowlada uu ka tirsan yahay. Waa inuu raacaa awaamiirta, hogaaminta iyo talooyinka kasoo baxa raysul wasaaraha, haddii aaney ahayn kuwo khilaafaaya dastuurka dalka.Waa inaan wasiirku wadanin howlo iyo ajandayaal isaga ama koox kale gaar u ah. Wasiirka aan daacad u ahayn siyaasada dowlada ee uu masuulka ka yahay raysul wasaaruhu waxaa haboon in la bedelo si siyaasada dowladu u meel marto. Wasaaradaha kala duwan ee dowladu waa kuwo si toos ah ama si dadban isugu xiran. Guusha wasaarad walbaana waxaa ay ku xiran tahay isugeynta guusha guud ee ay wasaaradaha kale gaareen. Kolka ay meel marto siyaasada guud ee dowlada ayaa la oran karaa dowladu guul ayey gaartey.