Gobolada Bay, Bakool iyo Shabeellaha hoose, 70% waxa looga hadlaa lahjadda ‘Mayga’ halka gobolada jubooyinka inta badan looga hadlo lahjadda “Maxaa Tiri” Waxaa ka dhexeeya isir, iyo dabeecad dhaqan dhaqaale, Gobolladani dhinaca siyaasada waxay ahaayeen Gobollo ay kawada arimin jireen siyaasiyiin isir wadaag ah iyo ururo siyaasadeed oo inta badan saldhigyo ku lahaa saddexdaas Gobol. Sidaa si lamid ah goboladda jubbooyinku waxay wadaagaan Dabeecad Deegaan, Juquraafi, Isir, Siyaasad iyo dhaqan Dhaqaale, waana midda sahashay in saddexdaas gobol ay yeeshaan talo midaysan oo ay ku dhisteen maamul gobolleed iyga gaar u ah, waxaase wax lala yaabo ah in mar walba afka lagu macaansado lix gobol baan maamul u dhisaynaa, iyadoo aan ognahay in goboladaas dusha la iska saarayo ay ka mid yihiin gobolo maamul dhistay, dadkooduna israacsan yahay. Dhismaha Dowlad goboleedka Jubbaland ma ah mid gorgortan geli kara, waayo:- aasaaskii dhismaha maamulkaas iyo maanta oo uu gabagabo yahayba waxa si hagar la’aan ah uga qayb qaadanayay wax garadkii deegaankaas, Dowladaha deriska ah, IGAD, Midowga Africa, Midawga Yurub iyo Qaramada Midoobay, ugu dambayntiina Dowlada Federal-ku waxay u aqoonsatay maamul goboleed buuxiyay shuruudihii looga baahnaa isla markaana hoos yimaada Dowladda Federal-ka Soomaaliyeed. Haddaba waa muhiim in dalka lagawada hirgeliyo nidaamka Federal-ka sida uu qabo dastuurkeennu in laba gobol iyo wixii ka badan ee is oggol ay samaysan karaan maamul hoosaad, si loo helo dowlad dhexe oo xoog badan kuna dhisan nidaamka Federal-ka, waxaase qurux badan in ciddii talo iyo maamul wadaag ah lagu amaano fikirkooda iyo dadaalkooda, ee aan culays jiray culays kale la sii saarin, taladuna waxay ku habboon tahay in walaalaha saddexda gobol ee koonfur galbeed la baxay, ay saddexdooda gobol iimaansadaan oo maamul u samaystaan Soomaaliduna waxay tiraahdaa “Miro gunti ku jira kuwo geed saaran looma daadsho”.