Saddexda gobol ee Jubooyinku waxa ay ka mid yihiin taariikh ahaan deegaanadda soomaalida kuwooda khayraadka iyo nimcadda faraha badan uu allaah ku manaystay, waxayna gaar ahaan wadaagaan dabeecado deegaan (Environmental Characteristics) oo uu sabab u yahay wabiga jubba ee isku xira saddexdaas gobol, gobolladani waxay ka mid yihiin kuwa ugu habboon gayigeenna xagga wax soo saarka beeraha, xoolaha nool iyo kalluumaysiga, waxay kaloo leeyihiin kaabayaal dhaqaale oo waaweyn oo aan ka xusi karo dekeda magaalada kismaayo, garoonka diyaaraha ee kismaayo iyo garoomo kale oo ku yaal dhowr degmo oo ka kala tirsan Saddexdaas gobol, waana gobollo haddii laga yagleelo maamul baahsan min gobol, degmo illaa tuulo, dibna loo xoojiyo kaabayaasha dhaqaale lana dardar geliyo mashaariicdii qabyada ahaa ee horay looga bilaabay goboladaas, aan is leeyahay marlabaad waxay qayb wayn ka qaadan karaan koboca dhaqaalaha dalka (National economic contribution). Xasuusin qaar ka mid ah mashaariicdii qabyada ahaa ee Jubooyinka xiliyaddii barisamaadka:-